WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Rag hubeysan oo Weerar ka geystay M/Muqdisho

Weerar loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa fiidkii xalay lagu weeraray saldhiga degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan weerarkaasi.

Rag hubeysan ayaa bambooyin dhowr ah ku tuuray gudaha saldhiga degmada Howlwadaag ee Muqdisho, isla markaana waxaa xigay rasaas toos ah oo ay isweydaarsadeen raggii weerarka soo qaaday iyo ciidanka Booliska ee saldhiga joogay.

Dadka degan aaga saldhiga ayaa maqlay jugta bambooyinka qaraxyada ahaa, si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas xalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xusid mudan in dableydii hubeysneyd ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay xaafaddaha ku teedsan saldhiga la weeraray, Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ay hadlayaan falkii dhacay.

Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muuqda mid faraha kasii baxaya, maalmo kahor ayey aheyd markii dagaalamayaasha ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararkii ugu danbeeyay Rag hubeysan oo Weerar ka geystay M/Muqdisho
To Top