WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo la kulanka wafdi ka socday Mareykanka u tagay Xalane

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha oo la wadaagay Danjire Linda guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ayaa ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaallanka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhankeeda, Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey AS.

MW Xasan Sheekh oo la kulanka wafdi ka socday Mareykanka u tagay Xalane
To Top