WARARKA SOOMAALI

Xukun adag oo Maanta lagu riday Odayaal heshiis lasoo galay Al-shabaab

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug inta aan laga Al-shabaab lagala wareegin 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Al-shabaab, oo ay dowladda dowladda dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Odoyaasha ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukun adag oo Maanta lagu riday Odayaal heshiis lasoo galay Al-shabaab
To Top