WARARKA SOOMAALI

Kooxda Al-shabaab oo Digniin culus u dirtay Bangiyada iyo shirkadaha dalka  

Afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay cunaqabateynta dhaqaale ay dowladda Federaalka kusoo rogtay Al-shabaab iyo dagaalka dhaqaalaha ee lagula jiro.

Afhayeen Cali Dheere oo soo duubay muuqaal ka daaban karo 20 daqiiqo  ayuu ku sheegay in dagaalka dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab ayuu yahay mid lagu doonayo in lagu boobo dhaqaalaha shacabka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay Afhayeenka Al-shabaab in  Bangiyada iyo shirkadaha dalka  looga baahan yahay iney ilaaliyaan hantida dadka wax u dhiibtay, isagoo ka digay cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhanka kale ka hadlay hindise Sharciyeedkii Cunaqabateynta Maaliyadeed ee cayiman ee uu dhawaan asnixiyay Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

“Waa qorshe ay dowladda Mareykanka wax badan kasoo shaqaysay, una diyaarsatay dowladdii u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawlgeli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.

Kooxda Al-shabaab oo Digniin culus u dirtay Bangiyada iyo shirkadaha dalka  
To Top