WARARKA SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ku dilay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Farxiya Cabdi Maxamed.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Wasiiru-dowlaha la toogtay xilli ay ku sugneyd waaxda saddexaad ee Horseed ee degmada Warta-nabadda, waxaana ay  u geeriyootay rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jirkeeda looga dhuftay.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa durbadii ka baxsaday kooxihii ka danbeeyay dilka khaarijinta ahaa, Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid aheyd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Qoorqoor ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed, isagoo gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada.

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top