WARARKA SOOMAALI

Dalal ka tirsan Reer-galbeed oo Muwaadiniintooda uga digay inay tagaan Turkiga

Kadib, markii uu Madaxweynaha Turkiye,  Rajab Dayib Erdoğan si kulul u cambaareeyey Falalkii lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa waxay qaar ka mid ah Dalalka Reer Galbeedka uga digeen dadkooda inay socdaal ku tagaan dalkaasi.

Dowladda Jarmalka waxay dadkeeda uga digtay suurtogalnimada waxa ay ugu yeertay Falal Argagixiso oo ka dhaca dalka Turkiye,  sababo la xiriirta Nuqulada Qur’aanka Kariimka ee lagu gubay dalalka Sweden,  Denmark iyo The Netherlands (Holland) iyo Dibadbaxyadii ay Mucaaradka Turkiga ka dhigeen Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Jarmalka ku leeyihiin Ankara waxay Dadkeeda ku sugan gudaha dalkaasi uga digtay Khatarta weeraro la filan karo, iyadoo ugu baaqday inaysan tegin Goobaha Guud ee Dadweynaha

Mar sii horeysay, Safaarada Maraykanka ee Ankara waxay soo saartay Bayaan ku aadan Falalkii lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee dhawaan Europe ka dhacay.

Bayaanka waxaa lagu xusay inay Dowladda Maraykanka uga digayso Muwaadiniintooda waxa ay ugu yeertay Weeraro Argagixiso oo ay ay macquul tahay in lala beegsado goobaha lagu cibaadaysto ee Turkiye, iyadoo ay weerarasaasi wataan magaca Aar-goosi (the name of revenge)

Dalal ka tirsan Reer-galbeed oo Muwaadiniintooda uga digay inay tagaan Turkiga
To Top