WARARKA SOOMAALI

SAWIRO: Wararkii ugu danbeeyay Weerar Israa’iiliyiin lagu laayey oo dhacay

Todobo Qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa geeriyooday, toban kalena waa ay dhaawacmeen kadib weerar 21 jir falastiini ah oo hubeysan uu ka gaystay dhulka la deegaameeyay ee Neve Yaakov oo ka tirsan magaalada barakaysan ee Qudus.

Booliska Israel waxay sheegeen in ay dileen ninkii weerarka qaaday iyaga oo soo xiray 42 qof oo ay ka jiraan aabaha dhalay qofka weerarka qaaday.

Adeega Ambalaasyada ee The Magen David Adom ambulance service waxay xaqiijiyeen inay 5 mayd ka qaadeen goobta ay toogashada ka dhacday.

Taliyaha Booliska degmada Quddus, Doron Turgman oo Weriyayaasha la hadlay waxa uu tilmaamay in 2 qof oo dhaawac ahaa ay geeriyoodeen,  isagoo xusay in Tirada Guud ee dhimashada ay gaartay 7 qof.

Wasiirka Difaaca ee Israel, Yoav Gallant oo Socdaal khaas ah (a personal trip) ku joogay Maraykanka waxa uu degdeg ugu soo laabtay Israel, kadib, weerarka ka dhacay Quddusta La-haysto.

SAWIRO: Wararkii ugu danbeeyay Weerar Israa’iiliyiin lagu laayey oo dhacay
To Top