WARARKA SOOMAALI

Xilliga ay dhaceyso Doorashada kursigii Agaasime Mahad Salaad oo la shaaciyay

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Warqad ay soo saareen Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa lagu sheegay in maalinta berrito ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta, tababarka iyo shaacinta Guddiga xulista ergada kursiga HOP#147, halk Musharaxiinta u tartamaya kusriga la diiwaan-gelinayo 31-da bishaan.

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ayaa shaaciyay in doorashada kusriga tirsigiisu yahay HOP#147 la qaban doono 1-da bisha labaad ee February 2023, isla markaana ay ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb.

Kursigaan ayaa waxaa xilligii ay socdeen doorashooyinkii kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka kusoo guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Xilliga ay dhaceyso Doorashada kursigii Agaasime Mahad Salaad oo la shaaciyay
To Top