WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Shirweynaha Aayo ka tashiga Gobolada SSC oo ka furmay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Maanta oo sabti ah si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee (SSC), kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay qaban-qaabadiisa socotay.

Shirka ayaa waxaa inta uu socdo diirada lagu saarayaa oo looga hadli doonaa masiirka magaalada Laascaanood iyo sidii ciidamadda Somaliland ay isaga bixi lahaayeen magaaladan oo shacabka ay u sameysan lahaayeen maamul iyaga u gooniya.

Howlka Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugan Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Beelaha Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee (SSC) iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana shirweynaha lagu falanqeynayaa  sida laga yeelayo mustaqbalka goboladaasi.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday howlka shirka ayaa muujinaya heer diyaar garoowga uu gaarsiisan yahay iyo sida ay Hoggaanka Isimada Dhaqanka u soo xaadireen madasha shirka.

Si kastaba, Shirkan ayaa ka dhashay kacdoonka ay sameynayeen shacabka magalada oo ka carooday dilalka xarkaga  goostay ee Laascaanood loogu geysanayo haldoorka magaalada, waxaana magaaladaasi hareeyay dibadbaxyo waaweyn oo muddo socday.

SAWIRRO: Shirweynaha Aayo ka tashiga Gobolada SSC oo ka furmay Laascaanood
To Top