WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo Maanra ka dhacay Puntland

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay degaanka Kala-bayr ee Gobolka Bari, Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaas.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in saddex qof kale oo laba askar yihiin ay ku dhaawacmeen qaraxii Maanta dhacday, Dhaawacyada oo sida la xaqiijinayo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso.

Xogaha kala duwan ee laga helayo degaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay goob meherad ah uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxaas oo aysan weli jirin cid sheegatay uu sidoo kale sababay dab ka kacay goobta.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo Maanra ka dhacay Puntland
To Top