WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo howlgalo kale oo dhan ah Al-shabaab ku dhawaaqay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagula dagaalamayo ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Maamulka.

Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in dhowaan howlgalada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle, waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay inay isu diyaariyaan  qeybgalka howgaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isagoo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle .

Sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha ilaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada  Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay khawaarijtu waxyeeleeyeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo howlgalo kale oo dhan ah Al-shabaab ku dhawaaqay
To Top