WARARKA SOOMAALI

Iiraan oo ka hortagtay Weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka

Wasaaradda Difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iiraan ayaa maanta shaacisay in la faahiliyey Weerar Diyaaradaha Drones-ka hubeysan ku beegsan lahaayeen Warshad lagu farsameeyo Hubka oo ku taalla magaalada Isfahan ee Bartamaha dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Iiraan ayaa lagu sheegay inay goor hore ee shalay oo Axad ahayd ka hortageen 3 Diyaarado Drones ah loo adeegsaday Weerarkaasi, inkastoo aan la sheegin halka laga lahaa Diyaaradahaasi.

Wakaallada Wararka Jamhuuriyadda Islaamka Iran ee Islamic Republic News Agency (IRNA) ayaa baahisay inay Nidaamka Difaaca ee dhex yaalla Wershadda Hubka ay mid ka mid ah soo rideen, halka 2-da kale Hawada lagu qarxiyey.

Wakaallada Wararka IRNA waxay sheegtay in Weerarka Diyaaradaha Drones-ka fashiliyey uu dhacay Saqdii Dhexe ee Habeen hore (Sabti), mana jiraan wax khasaaro oo ka dhashay Diyaaradahaasi, marka laga reebo burbur Fudud oo soo gaaray Saqafka Sare ee Dhismaha Werhadda Hubka.

Iiraan oo ka hortagtay Weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka
To Top