WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan DF iyo D/Goboleedyada oo Shir uga furmaya Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS Mohamed Cali Maxamuud,oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada Dalka ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey xubnno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ,Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada Baydhabo ay u gareen ayaa ah ka qeybgalka Shir weynaha Qorshaha Horumarinta Kaabiyaasha dhaqalaha Dalka iyo xoojinta wada shaqeynta  Wasaaradaha howlaha guud heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed Kaasi oo beri ka furmi doono Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doona xubno ka socda dowlad Goboleedyada, kuwaasi oo saacadaha soo socda tagaya magaalada Baydhabo, waxaana inta uu socdo shirka aad loogaga hadlayaa dhaqalaha Dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha howlaha guud.

Xubno ka tirsan DF iyo D/Goboleedyada oo Shir uga furmaya Baydhabo
To Top