WARARKA SOOMAALI

Amiirkii Dalka Kuwait oo geeriyooday isaga oo jira 86-sanno

Amiirka Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku geeriyooday da’da 86,sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda boqortooyada oo laga sii daayay telefishinka dowladda

Bayaankaasi ayaa lagu yiri “Annagoo tiiraanyeysan oo murugeysan, waxaan u baroor-diiqeyna geerida Sheikh Nawaf al-Ahmad Al-Sabah, Amiirka Dowladda Kuwait.

Sheikh Nawaf ayaa la dhaariyay bishii Sebtembar 2020 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah oo 91 jir ahaa.

Bishii hore, Amiirka ayaa la dhigay isbitaalka ka dib xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KUNA.

Amiirkii Dalka Kuwait oo geeriyooday isaga oo jira 86-sanno
To Top