WARARKA SOOMAALI

Ciidamada ATMIS oo laga wareeginayo sugida Xarunta Amniga Villa Somalia

Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ayaa maalinta berri si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin.

Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii  Ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo Midka hadda ATMIS.

Tallaabadan ayaana horu dhac u ah lawareegida amniga Soomaaliya ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya , waxaana la filayaa in ciidanka nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib uga baxaan dalka.

ATMIS ayaa horay u wareejsay xaryooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekadda weyn ee Muqdisho.

Ciidamada ATMIS oo laga wareeginayo sugida Xarunta Amniga Villa Somalia
To Top