WARARKA SOOMAALI

Shaqsiyaad lagu tuhmay inay ka tirsan AS oo howlgal lagu qabtay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee Haramcad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxaa lagu soo qab qabtay xubno lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana ujeedka howlgalka laga fuliyay deegaanka Ceelasha uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa laga soo xigtay in howlgalada noocaan oo kale ee lagu xaqiijinayo amniga deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ay sii socon doonaan, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgallo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Shaqsiyaad lagu tuhmay inay ka tirsan AS oo howlgal lagu qabtay
To Top