WARARKA SOOMAALI

Xisbullah oo Gantaalo ku Weerartay Ciidamada Israa’iil & Khasaaraha

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in dhowr ka mid ah askartooda ay dhaawacyo ka soo gaareen gantaallada lidka taangiyada oo lagu soo riday baabuur ay wateen ciidamada oo marayey degaanka Beit Hillel ee Waqooyiga Israa’iil.

Israel waxay sheegtay in dhaawaca askarta ka sokow gaariga ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka.

Ciidamada ayaa sheegay in ku jawaabeen dhowr gantaal oo ku dhacay gudaha dhulka Lubnaan.

Xisbullah ayaa sheegtay inay beegsatay dhowr goobood, oo ay ku jiraan Beeraha Sheba, si ay u “taageeraan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza oo dagaal kula jira ciidamada Israel.

Xisbullah oo taageero xoogan ka hesha iran ayaa ah Kooxda ugu awoodda badan dhamaan kooxaha ka jira bariga dhexe ee ka horjeeda Israel.

Xisbullah oo Gantaalo ku Weerartay Ciidamada Israa’iil & Khasaaraha
To Top