WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo maalintii labaad oo howlgalo culus ka wada Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa Howlgal maalintii labaad ka wada deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan iyadoo Meydad ay qaadan waayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ay yaalaan Waddooyinka.

Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tagay goobihii Shabaabka looga adkaaday, waxaana ay ku bogaadiyeen ciidamka qaranka ee howlgalka fuliyay.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in deegaannada ay tageen ee lagu duqeeyay kooxda Al Shabaab ugu tageen meydad daadsan oo kooxdaasi intii nooleyd uga carareen goobaha lagu dilay.

Ciidanka huwanta ah ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira xubno katirsan Al Shabaab oo ka bad baaday duqeyntii diyaaradaha Mareykanka halkaasi ka fuliyeen, waxa ayna ciidamada sidoo kale raadinayaan hub ay lahaayeen xubnaha la dilay.

Ciidanka Xoogga oo maalintii labaad oo howlgalo culus ka wada Hiiraan
To Top