WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in bartamaha Magaaladaas Maanta lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade, iyada oo kooxihii ka dambeeyay dilkaas ay baxsadeen.

Alle ha u naxariistee Ibraahim C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay saaka Magaalada Boosaso, xilli uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday Salaada Subax.

Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in uu madax u ahaa bulshada kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari, waxaana dilkiisa aad uga naxay Bulshada kunool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamo katirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari iyo laamaha Amniga Magaalada Boosaaso weli Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay Askar, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Puntland iyo Ganacsato, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee ka howlgasha degaannada Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade lagu dilay Magaalada Boosaaso
To Top