WARARKA SOOMAALI

Duqeyn geystay khasaaro oo laga fuliyay Jilib & AS oo ka hadlay

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeyn diyaaradeed ka fuliyay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo labo gantaal ku dhufutay guri ku yaala magaaladaasi.

Dad ku sugan Jilib ayaa ku warramay in ay maqleen guuxa diyaarad, deetana ay xigtay maqalka laba qarax oo ay u malaynayaan in ay tuurtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano daroonis-ka.

War ay sii daayeen warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay ay gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, halkaasna ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayida oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 jir ah.

Ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib oo muddo dheer ay xukumayeen Al-Shabaab.

Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ah Xarunta ugu weyn ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoona halkaasi ku leh saldhigyo waaweyn, isla markaana ay ku sugan saraakiisha sar sar ee Ururkaasi.

 

Duqeyn geystay khasaaro oo laga fuliyay Jilib & AS oo ka hadlay
To Top