WARARKA SOOMAALI

Amiirka Qatar oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somalia

Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya November 23, 2023-ka ayaa sagootin waxa ay u sameeyeen Wasiir Doodisho oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.

Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ahaa Wasiirkii amniga Xukuumadda Federraalka Soomaaliya, waxaana xilkii uu haayay haatan kusime u ah ku-xigeenkiisii

 

Amiirka Qatar oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somalia
To Top