WARARKA SOOMAALI

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo Buuq & sawaxan kadib lagu kala tagay

Kulan Maanta oo sabti ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa buuq iyo sawaxan farabadan kusoo dhammaaday.

Ajedaha kulanka Maantra ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 iyo Akhrinta koowaad ee miisaaniyada sanadkan soo socda ee 2024.

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kasoo horjeestay ajendayaasha la horkeenay Golaha, waxaana intaas kadib gudaha Xarunta Hargeysa ka bilowday buuq ay sameeyeen Xildhibaanada qaarkood.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulankii Maanta shir guddoomin lahaa ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu xiran yahay, isla markaana fadhiga kale ee kulamada Baarlamaanka looga doodi doono ajendayaasha.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo Buuq & sawaxan kadib lagu kala tagay
To Top