WARARKA SOOMAALI

Nin hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Magaalada Boosaaso

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay Guddoomiyihii bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool magaalada Boosaaso ku dilay xaafad ka tirsan magaaladaasi.

Mas’uulka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Khadar Cabdi Cali, isla markaana waxaa lagu toogtay meel aan sidaasi uga fogeyn hoygiisa ku yaallay Boosaaso, isagoo u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu sidoo kale dhaawac ku gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, wiilka yar ayey ku dhacday rasaastii aabihii u geeriyooday.

Boosaaso ayaa waxaa hore uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxaana inta badan dilalka magaaladaasi Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhaca sheegta mas’uuliyadooda Al-Shabaab iyo Daacish.

Nin hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Magaalada Boosaaso
To Top