WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee QM oo Somalia ka qaaday Cunaqabateynta hubka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 31 ka dib Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika.

Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka.

Tani ayaa albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah, kaas oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo xilligaan maraya heer gabogabo ah.

Soomaaliya ayaa sanado kahor codsaneysay in laga qaado cunaqabateynta hubka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sanadkii 2017 ka digay in dagaalka lagula jiro al-Shabaab uu socon doono tobnaan sano haddii aan la qaadin xayiraadda hubka.

Farmaajo ayaa ka hadlayay shir ka dhacay London oo madaxda caalamka ay joogeen, wuxuuna sheegay in ciidamadu aysna heysan hub ay kula dagaallami karaan kooxda.

Wuxuu intaa ku daray in hubka ugu badan ee ciidamadu ay heystaan uu yahay kuwa fudud sida AK-47.

Golaha Ammaanka ee QM oo Somalia ka qaaday Cunaqabateynta hubka
To Top