WARARKA SOOMAALI

Xilliga la qaban doono Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Ruushka oo shaaca laga qaaday

Xilli uu sii kordhayo xifaaltanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee Ruushka iyo Mareykanka ee kasbashada qaaradda ee Afrika ayaa waxay Dowladda Ruushka mar kale ku dhawaaqday Shirweynaha labaad ee uu Madaxweyne Vladimir Putin la yeelan doono Madaxda dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka,  Sergey Lavrov oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Koonfurta Africa ee Pretoria ayaa waxa uu rajo ka muujiyey Shirweynaha Labaad ee Raashiya & Afrika (The second Russia-Africa Summit).

Lavrov ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo dhigiisa South Afrika, Naledi Pandor, wuxuuna xusay in Raashiya iyo Afrika u bilaaban doono Xiriiro Heer Cusub.

Sergey Lavrov waxa uu tilmaamay inay Wasiirad Naledi Pandor ka wada hadleen Arrimaha u diyaar-garowga Shirweynaha labaad ee Afrika iyo Ruushka oo dabayaaqada bisha July ee sanadkan lagu qaban doono magaallada Saint Petersburg oo ku taalla W/Galbeed ee dalka Ruushka.

Si kastaba, Hay’adda The Roscongress Foundation ayaa waxay horey u shaacisay in la qorsheeyey inuu bisha July 26-da ilaa 29-da qabsoomo Shirweynaha 2-aad ee Afrika iyo Raashiya iyo Madasha Dhaqaalaha (The second Russia-Africa Summit and Economic Forum).

Xilliga la qaban doono Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Ruushka oo shaaca laga qaaday
To Top