WARARKA SOOMAALI

Duqeymo lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab & Dagaalo dhacay

Diyaaraddo nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa Maanta waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen duleedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan laga qabsaday AS.

Duqeymaha oo si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Caad iyo Ceel-cabdi ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ay isku uruursanayeen, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhowr Gantaal ayaa lasoo weriyey inay ku dhaceen Saldhig Shabaabka ay lahaayeen, kadib duqeymaha ayaa waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray ciidanka xoogga iyo Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galey deegaanada Caad iyo Ceel-cabdi oo ay dhowr jaho kaga yimaadeen, khasaaraha ka dhashay illaa hadda lama oga duqeymahii halkaas ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay weli wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Duqeymo lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab & Dagaalo dhacay
To Top