WARARKA SOOMAALI

Madaale oo Maanta si Deg-deg ah ugu soo laabtay Muqdisho, kadib Weerarkii dhacay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaalr Madaale  oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa Maanta si deg deg ah dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib weerarkii shalay.

Guddoomiye Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in sabtidii uu safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kuwait, isla markaana dalkaas uu uga qeyb galayay shirweyne lagu casuumay.

Wuxuu tilmaamay in markii uu maqlay in weerar xooggan Al-shabaab ay ku qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir uu soo gaabiyay safarkii Kuwait, si uu shacabka iyo mas’uuliyiinta Gobolka uga qeybsado dhibaatadii dhacday.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ayaa sidoo kale kormeeray xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen xubno katirsan Al Shabaab, kuwaas oo daqiiqada kooban gudahooda ay toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo isugu jiray tacsiyeen, iyo mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, aggaasimayaal iyo guddoomiyaasha degmooyinka.

Madaale oo Maanta si Deg-deg ah ugu soo laabtay Muqdisho, kadib Weerarkii dhacay
To Top