WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Garaad Jaamac Garaad Cali oo si ballaaran Maanta loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Garaadka guud ee Gobollada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa 15 sano kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Garaadka oo ay galbinayaan gaadiid dagaal iyo ciidamo hubeysan ayaa kumanaan shacab ah ku soo dhaweeyeen gudaha iyo banaanka Laascaanood.

Dadweynaha soo dhaweeyay Garaadka ayaa watay calanka buuga ah ee Soomaaliya, waxaana Garaad Jaamac uu ka mahadceliyay, soo dhaweynta heerka sare ee loo sameeyay Maanta.

Ujeedka Garaad Jaamac ayaa waxaa uu yahay ka qayb-galaya Shirka aaya-ka-tashiga Gobolada SSC oo la filayo in uu todobaadkan ka furmo Laascaanood, kaas oo daba socda kacdoonka Shacabka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayay magaalada Laascaanood ugu danbaysay 23 October 2007, xiiligaas oo Maamulka Somaliland ka qabsaday Puntland magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Somaliland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Laascaanood ka waday dilal ay u geysaneysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ka dhii-dhiyey amni xumada ka jirta magaaladaasi.

 

SAWIRRO: Garaad Jaamac Garaad Cali oo si ballaaran Maanta loogu soo dhaweeyay Laascaanood
To Top