WARARKA SOOMAALI

DFS o War kulul kasoo saartay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii dowladda Sweden ku ogolaatay in Safaaradda Turkiga ku leedahay magaalada Stockholm lagu hor gubo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in Sweden ogolaatay ku
gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka.

“ In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasaaradda ayaa caddeysay mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta.

DFS o War kulul kasoo saartay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka
To Top