WARARKA SOOMAALI

Somalia oo Figta sare ka gashay Liiska dalalka ugu dakhliga hooseeya Qaaradda Afrika

Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka (The World Bank) ayaa lagu shaaciyey inay dalalka Somalia, Mozambique iyo Madagascar moqdeen dalalka ugu sareeya Liiska dalalka ugu Dakhliga hooseeyo ee dalalka Qaarada Afrika

Warbixinta ayaa waxaa lagu muujiyey in Celcelis ahaan uu Dakhligooda sanadka yahay qiyaastii 1,045 dollar.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in inta badan dalalka Dakhligooda hooseeyo ay ku tiirsan yihiin kaalmada Horumarinta (Development aid) iyo Taageerada amaahda ay ka helaan dayn Bixiyayaal dhinacyo kala duwan sida Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF.

Bangiga Adduunka (The Works Bank) waxay dalalka Caalamka u qeybiyeen saddex heer oo Horumarineed oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

1- Dalalka uu dhaqaalahoodu sarreeyo (High-income countries),

2- Waddamo uu dhaqaalahoodu yahay meel dhex-dhexaad ah (Upper-middle-income countries)

3- Dalal uu dhaqaalahoodu aad u hooseeyo (Low-income countries).

Somalia oo Figta sare ka gashay Liiska dalalka ugu dakhliga hooseeya Qaaradda Afrika
To Top