WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Weerarkii Xarunta G/Banaadir oo lasoo Afjaray & khasaaraha oo la shaaciyey

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee galabta soo afjaray weerarkii Maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska ayaa dagaal qaatay 5 saacadood la galay dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo gudaha u galay Xarunta Maamulka Gobolka, isla markaana ka dhex dagaalamayey.

Weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah oo ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkii dhacay.

Afhayeenka ciidamada Booliska dowladda Sadiiq Aadan Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in la toogtay 6 ka tirsanaa Al-shabaab oo weerarka soo qaaday, isagoona in weerarka lagu dilay 5 qof.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Weerarkii Xarunta G/Banaadir oo lasoo Afjaray & khasaaraha oo la shaaciyey
To Top