WARARKA SOOMAALI

Rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya Xarunta G/Banaadir & Ciidanka DF oo weli…

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolkaan Banaadir, jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwo Is-miidaamin ah oo ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Xarunta, iyaga oo weli ka dhex dagaalamaya.

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay usoo afjari lahaayeen ragga hubeysan ee ka dhex dagaalamaya Xarunta Maamulka Gobolka, rasaas xooggan ayaa la maqlayaa halkaas, waddooyinka gala Suuqa Xamarweyne ayaa la xiray.

Khasaaro oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay  weerarka, in kastoo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, Mas’uuliyiinta ugu sarreeya Maamulka Gobolka Banaadir ayaana laga saaray Xarunta, iyaga oo badqaba.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi dhacay, Amniga  Xarunta la weeraray ayaa ahaa mid siweyn loo adkeeyo, waxaana dadka is weydiinayaan sida uu ku dhacay weerarkaan oo qaraxyo ku bilowday.

 

Rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya Xarunta G/Banaadir & Ciidanka DF oo weli…
To Top