WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Weerar Qaraxyo oo lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Jugta qaraxyo xooggan oo is-miidaamin ahaa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas xooggan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qarax koowaad uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qarxyadaas ka dhacay magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho, aaga xarunta Gobolka ayaa waxaa kusii qul-qulaya gaadiid gurmadka deg dega ah.

La soco wixii kusoo kordha wararkaan.

DEG DEG: Weerar Qaraxyo oo lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
To Top