WARARKA SOOMAALI

Askar loo xiray Dil si bareer ah Darawal Mooto loogu geystay Magaalada Muqdisho

Taliska qeybta guud ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in la xiray dhammaan Askar ka tirsan ciidamada Booliska oo ku sugnaa isgoyska howlwadaag ee Muqdisho, xilli shalay Askari ka tirsan ciidankaas uu dilay darawal Mooto Bajaaj.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka G/Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Askarta la xiray ay haatan ku socdaan baaritaano, isla markaana la doonayo in laga soo dhex saaro Askarigii dilay darawalkii Mooto Bajaaj.

Taliyaha ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas uu kusii daray in sharciga la horgeyn doono Askariga Booliska ee sida bareerka ah u dilay darawalka oo ahaa wiil dhallinyaro ah, waxaana xilligii la dilaayay la socday hooyadiisa  iyo walaashiis.

Sidoo kale Taliyaha ayaa digniin adag u diray ciidamada ka howlgala gobolka Banaadir, isagoo carrabka ku adkeeyey in qofkii dil geysta aan looga hari doonin oo cadaaladda uu dhedhemi doono isna.

Darawallada mooto Bajaaj-ta ka shaqeysa gudaha Muqdisho dad u badan ayaa banaan-bax xoog leh oo rabshado watay ra waxay ka dhigeen inta u dhaxeysa isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha, kadib markii darawal Mooto Bajaaj.

Askar loo xiray Dil si bareer ah Darawal Mooto loogu geystay Magaalada Muqdisho
To Top