WARARKA SOOMAALI

Shirweynaha Culimada Soomaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho & Qodobada horyaalla

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furmay Shirweynaha culimada Soomaaliyeed, waxaana shirkaan soo qaban-qaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah-furay shirka oo ay ka qeyb galayaan Culimo’udiiin farabadan oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibadda.

Shirka ayaa ku saabsan doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee waxa loogu yeero Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Fahamaka Saxda ah ee Diinta Islaamka.

2.Sharciyad-siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.

3. Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed: Muhiimaddiisa iyo Sharciyadiisa.

Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Shirweynaha Culimada Soomaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho & Qodobada horyaalla
To Top