WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax gaari lagu xiray oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Siinaay oo kala qeybiya degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda.

Qaraxa oo miino ayaa waxaa lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah, isla markaana waxa uu qarxiyey xilli uu marayay meel ku dhow Isgoyska Siinaay, jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Muqdisho.

Darawalka gaariga ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana durbadii loola cararay Isbitaalka, dad ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa gurmad u sameeyay Ninka darawalka ahaa.

Illaa iyo hadda lama oga cida qaraxa lagu beegsaday, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top