WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Xiliga la dooranayo Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyey & xili is qabqabsi jiro.

Muqdisho (HM)-Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay “jadwalka” hanaanka coddeynta maamul goboleedkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa waxay ku shaaciyeen in 25 – 28 bishaan November la xaqiijinayo Odayaasha Dhaqanka.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, 29 November illaa 09 December ayaa waxaa lasoo xuli doono Xildhibaanadda cusub ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa war-murtiyeedka ku xusay in 10-12 December uu howlgeli doono Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

Bayaanka ayaa waxaa lagu caddeeyay in doorashadda gudoonka baarlamaanka ay qabsoomeyso 13-16 December.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey in ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Illaa iyo haatan, saddex murashax ah oo laba kamid ah ay ka socdaan mucaaradka iyo mid dowladdu wadato ayaa u taagan xilka ugu sareeya Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top