WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan ka cabatay Sirdoonka Soomaaliya oo xayiray xili ay u Safari lahayd Gobol-Video

Muqdisho (HM)-Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegtay in loo diiday inay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo ku sii jeeda degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Xildhibaanada oo ka hadleysay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegtay in markii saaka ay tagtay garoonka diyaaradaha oo ay dooneysay inay diyaarad raacdo la yiri ma bixi kartid, Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ku heysato.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa rabaa inaan halkan ka sheego howl yar oo i qabsatay, shalay waxaa fasax geystay Guddoonka, in muddo 10 cisho ah aan maqnaado oo aan aado deegaan doorashadeyda degmada Luuq Ganaane, saaka hal saac markii aan tagay garoonka oo la marayo shan saac ayaa la yiri kama bixi kartid  Air Porka waxaa ku heysata Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”sidaa waxaa tiri Xildhibaan Daleys.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dalbaday in kiiska loogu diiday inay ka dhoofto garoonka iyo haddii dacwad ka yaallaan sababtaas loogu sheego, sidaasna waxaa markii dambe Xogheynta Golaha ay go’aamisay in ajandaha kulanka lagu soo daro is hor-taagga lagu sameeyay safarka Xildhibaanadda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay is hor-taagga Hey’addaha ammaanka ku sameynayeen siyaasiyiinta ka dhoofaya garoonka Muqdisho, iyadoo la xusuusato in sidan oo kale is hor-taag lagu sameeyay diyaarado ay garoonka Muqdisho ka raaci lahaayeen Madaxweynayaahsii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, inkastoo dhacdadii u dambeysay todobaadyo ka hor, xilligii ay ku sii jeedeen Beledweyne saacado markii ay garoonka ku xanibnaayeen la fasaxay oo loo ogolaaday inay bixi karaan.

SOMALI NEWS

To Top