WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xildhibaano kamid noqday Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalooyinka…

Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo. Hal xildhibaan ayaa lagu doortay Dhuusamareeb halka Saddex xildhibaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop182 ee golaha shacabka BJFS isagoo kaga guuleystay tartanka Faysal Ibraahim Xasan.

Fowsiya Maxamed Shekh ayaa mar kale ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 171 ee Golaha  Shacabka  Baarlamaanka Soomaaliya waxayna Heshay  Codad dhan 84 halka musharaxii la tartamaysay ee Khadiijo Maxamed Ibraahim oo iyadana heshay Codad dhan 13.

Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor) ayaa ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 170 ee Golaha  Shacabka  Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna heley Codad dhan 82 halka musharaxii la tartamayey ee Zakariye Maxamed Cabdi uu isna heley  12.

Cabdi shakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#054 ee golaha shacabka BJFS isagoo kaga guuleystay tartanka musharixiin dhowr ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Xildhibaano kamid noqday Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalooyinka…
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top