WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukuumadda oo shaacisay in 1 Milyan Doollar u qoondeysay Gurmadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoomiyey Shir ay yeesheen Guddiga Gurmadka abaaraha darran ee xiligaan ka jira Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumadda 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay Gurmadka abaaraha, si loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble ayaa lagu sheegay in Ganacstada Soomaaliyeed ay iyaguna dhankooda ku yabooheen 2 Milyan oo Doollar oo deg deg wax lagaga qabanayo abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Xukuumadda oo shaacisay in 1 Milyan Doollar u qoondeysay Gurmadka
To Top