WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Kursi loo diiday in uu u tartamo Prof. Jawaari oo Doorashadiisa la hakiyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaalka ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Kursigan doorashadiisa la hakiyay ayaa dhawaan loo diiday in uu tartankiisa isku diiwaan geliyo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari kaa oo markii dambe dacwad ka gudbiyay kursigan.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Heer federaal ayaa lagu sheegay in cabasho laga keenay habraaca loo maray kursiga tirsigiisu yahay HOP103, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas.

Akhriso:-Kursi loo diiday in uu u tartamo Prof. Jawaari oo Doorashadiisa la hakiyay
To Top