WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Maxamed Mursal oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyada oo doorashada kursiga koowaad maanta ay ku tartamayeen Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo mudane Feysal ibraahim Xasan.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo markale ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa helay 88-cod oo uu kaga guuleystay Musharaxii kale ee la tartamayay ee Faysal Ibraahim Xasan, kaasi oo helay Codad gaaraya 12 Cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale kamid noqonaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna haatan ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada kuraas kale ayaa haatan ka bilaabaneysa Xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay kusoo idlaatay doorashadii uu kusoo baxay Maxamed Mursal, waxaana doorashadaas ku tartamaya Musharaxiin.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
To Top