WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Digniin u diray Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiyada kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taas oo soo gudbiyeen Musharaxiin sheegay in kuraastooda la boobay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-Goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada socota.

Rooble ayaa faray Guddiyada in aysan ku milmin Madaxda maamulada, isla markaana ay ilaaliyaan madax banaanida doorashada, habraacyadii lasoo saaray, wuxuuna u sheegay in lagula xisaabtamayo wixii musuq-maasuq ah oo ay ku kacaan Guddiyada doorashada…

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA..

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Digniin u diray Guddiyada Doorashooyinka
To Top