WARARKA SOOMAALI

Doorashada kursiga la hakiyey ee Jawaari iyo kuraas kale oo Maanta la qabanayo

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa Maanta la filayaa inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Doorashada dhaceysa oo afar kursi ah ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay diiwaan-geliyeen, waxaana kuraastaas tirsigoodu kala yihiin HOP103, HOP189, HOP041, iyo HOP042.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay HOP103 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kursigaas doorashadiisa hakiyey Guddiga doorashada heer Federaal, kadib markii uu Jawaari cabasho kasoo gudbiyey hanaanka loo marayo kursiga.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in Maanta la qabanayo doorashada kursiga HOP103, isla markaana Guddiga doorashada heer Federaal aysan sharci u laheyn inay joojiyaan doorashadiisa, iyagoona caddeeyay in aysan wax cabasho ah aan loo soo gudbin.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacday doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga la hakiyey ee Jawaari iyo kuraas kale oo Maanta la qabanayo
To Top