WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano cusub oo kamid noqday Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo

Guddiga hirgelibta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku qabtay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta oo ahaa HOP175 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdirishiid Nuur Jilley oo helay 70 cod halka musharrixii la tartamayay ee Aadan Maxamed Ibraahim uu 22 Cod.

Kursiga labaad ee HOP#159 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Bare Maxamuud oo helay 72 Cod, waxaana musharrixii la tartamay ee  Cabdullaahi Maxamed Isaaq uu helay 23 Cod, halka Kursiga Saddexaad ee HOP# 185 uu ku ku guuleystay Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo helay 71 Cod.

Kursiga Afaraad ee HOP#188 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay 73 Cod halka Cabdisamed Aadan isaaq oo la tartamay uu helay 23 Cod, Kursiga Shanaad ee HOP# 177 ayaa waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Sheekh Cali Baraka oo helay 75 Cod .

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Baydhabo, waxaana wixii Maanta ka dambeeya la guda geli doonaa doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas.

Xildhibaano cusub oo kamid noqday Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo
To Top