WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay saacadaha soo socda ka ambabixi doonaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoona kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo Arrimo kale.

Safarka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku tegayo Imaaraadka ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo horraantii bishan Imaaraadka ka raalli geliyay dhacdo ay dowladd Federaalka lacag dhan 9.8 Milyan oo Dollar ugala wareegtay Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Imaaraadka
To Top