WARARKA SOOMAALI

Taliska Ciidanka Xoogga oo faah faahiyey howlgalo culus oo laga fuliyay Hirshabeelle

Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamuud Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgallada oo ah kuwo Amniga lagu xaqiijinayo ay ka socdaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka oo kaashanay kuwa macawuusleey ah ay howlgallo ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale wadada u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa uu taliyaha hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen degaannada, Mukay Dheere, Shanloow iyo Dhagaxoow oo hoostaga degmada Balcad.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka ayaa hadana warar la helayo sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen guryo kuyaalla tuulooyinka Mukay Dheere iyo Mareereey, halkaas oo dadkii deganaa ay isaga barakaceen.

Taliska Ciidanka Xoogga oo faah faahiyey howlgalo culus oo laga fuliyay Hirshabeelle
To Top