WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku qabanaya doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Kuraasta la qabamago doorashada iyo dadka horay ugu fadhiyay.

1: HOP#188 oo uu hadda ku fadhiyo Aadan Ibraahim Dhayow, waxaana ku tartami doona Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed.

2: HOP# 185 oo uu ku fadhiyo Cali Aadan Xuseen ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.

3: HOP#175 oo uu ku fadhiyo Axmed Xaaji Maxamed Taaw, balse Maanta ay ku tartami doonaan  Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley.

4: HOP#159 oo uu ku fadhiyo Xasan Ibraahim Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamaya   Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq.

5: HOP# 177 oo uu hadda  ku fadhiyo Ibraahim Isaaq Yaroow balse laga reebay u tartamida kursigaas, waxaana Maanta ku tartami doonaan Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo
To Top