WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasii sagootiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018 uu xumaaday xiriirka labada dal.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadan, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday in lacagtaas laga bixiyo Bankiga dhexe ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta iyo ujeedkiisa
To Top