WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Kuwait oo wada-hadal ka yeeshay Arrimo muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka Kuwait.

Dowladda Soomaaliya iyo Kuwait oo wada-hadal ka yeeshay Arrimo muhiim ah
To Top